Home / Cayaaro / Atletico Madrid oo la wareegtay Matheus Cunha

Atletico Madrid oo la wareegtay Matheus Cunha

Himilo – Atletico Madrid ayaa xaqiijisay saxiixa Matheus Cunha oo ay kala soo wareegtay Hertha Berlin, iyadoo raadinta weeraryahan Los Colchoneros ay ugu dambeyn soo gabagabowday.

22 jirkaan ayaa laga yaabaa inuusan ku dhicin qaabkii Luis Suarez, bedelkeedana uu leeyahay qaab ciyaareed u eg kan Angel Correa, laakiin waxaa la keenay Atletico si uu u dhameystiro weerarka Diego Simeone.

Imaanshihiisa ayaa timid kadib markii Atletico ay ku guuldarreysatay inay heshiis la gaarto Fiorentina Dusan Vlahovic, kaasoo inta badan raadinta  No.9 u ahaa  Horaantii xagaaga ,Los Colchoneros ayaa sidoo kale isku dayday inay eegto inay Antoine Griezmann ka keento Barcelona, laakiin wax heshiis ah lama gaarin.

Cunha ayaa ka tagay Brazil isagoo 18 jir ah markii uu ku biiray kooxda Sion ee Switzerland, laakiin ma uusan sii joogin halkaas muddo dheer iyadoo bandhigyadiisa ay soo jiiteen indhaha RB Leipzig, kaasoo ku bixiyay adeegiisa 15 milyan oo euro.

Ka dib xilli ciyaareed iyo bar uu joogay Leipzig, Cunha wuxuu u wareegay Hertha lacag dhan 18 milyan oo euro. Hadda, 18 bilood oo kale, wuxuu dhammaystiray u dhaqaaqistiisa Atletico Madrid.

Cunha ayaa laga yaabaa inuusan ahayn gooldhaliye goolal badan, laakiin tirooyinkiisu ma xuma. Isagoo iska indha -tiray waqtigiisii Leipzig, halkaasoo uu si dhib yar ugu ciyaaray, wuxuu shabaqa soo taabtay shan jeer 11 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Hertha. Waxa uu raaciyay  todoba gool iyo shan caawin xilli ciyaareedkii hore.

Cunha wuxuu qeyb ka ahaa kooxdii Brazil ee ku guuleysatay Olombikada  Ciyaaraha Tokyo xagaagan, maadaama uu u ciyaaray sidii weeraryahan keli ah wuxuuna dhaliyay seddex gool shan kulan oo uu ku jiro mid uu ka dhaliyay Spain, isagoo ku sii jeeda bilada dahabka ah.

Isagoo hadda ugu soo biiray Atletico lacag dhan 30 milyan oo euro, Cunha wuxuu isku dayi doonaa inuu kula tartamo Suarez, Correa iyo Joao Felix si uu boos ugu helo shaxda Simeone.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan