Himilo – Inta badan, mataanaha ayaa wadaaga hal dhalasho. Balse mataano dhawaan ku dhashaya California ayay taariikhu kala duwday kaddib markii ay kala dhasheen wakhti kala geddisan ama xitaa sannado kala duwan.
Little Alfredo Trujillo waxa uu dhashay 11:45 p.m. Dec. 31, 2021,. Halka Walaashii mataanaha ah ee Aylin ay dhalatay dhowr daqiiqo kaddib, saqdii dhexe ee Jan. 1, 2022, waxaana u dhaxeysay dhalashada carruurtan 15 daqiiqo.
Hooyada oo lagu magacaabo Faadumo Madrigal ayaa sheegtay in ay yaabtay, kuna faraxsan tahay in Aylin timid saqdii dhexe ee sannadka cusub.
“Waxay iiga dhigan tahay wax cajiib ah in mataanahaan ay kala dhalasho xagga waqtiga ah yihiin ayay u sheegtay KNTV-TV.
Mataanaha waxay leeyihiin saddex walaalo ah oo ka weyn — laba gabdhood iyo hal wiil.
Ku dhawaad 200,000 oo mataano ah ayaa ku dhasha Maraykanka sannad walba waxayna ka yihiin ku dhawaad 3% dhammaan dhalmada.
Radio Himilo
