Himilo – Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in dhimashada ka dhalatay cudurka daacuunka ay caalamka oo dhan kor u kacday 50% sanadkii 2024, marka loo eego sanadkii ka horreeyay.
Xogta WHO ayaa sidoo kale muujisay in kiisaska la soo sheegay ay kordheen 5%, iyadoo guud ahaan la diiwaangeliyey ku dhowaad 560,000 xaaladood oo ka dhacay 60 dal iyo gobol. In ka badan 6,000 qof ayaa cudurka u dhintay. Sanadkii 2023, shuban ayaa laga soo sheegay 45 dal oo keliya.
Dalka ugu badan ee kiisaska laga soo sheegay waxay ku yaalliin Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya, kuwaas oo iska leh 98% guud ahaan caabuqyada. WHO waxay sheegtay in heerka dhimashada Afrika uu kordhay, isagoo ka baxay 1.4% sanadkii 2023 ilaa 1.9% sanadkii 2024.
Daacuunka waa caabuq ku dhaca mindhicirka yar oo uu sababo bakteeriyo, waxaana uu si dhakhso leh ugu faafo biyo wasakhaysan oo lagu dhex qaso saxaro.
WHO waxay tilmaantay in colaadaha, isbeddelka cimilada, barakaca dadka iyo baahida adeegyada biyaha, fayadhowr iyo nadaafad xumada ay yihiin sababaha sii hurinaya cudurka.
Xogta hordhaca ah ee sanadkan 2025 ayaa muujinaysa in mushkiladda caalamiga ah ee daacuunka weli socoto, iyadoo ilaa 31 dal iyo gobol ay ku dhawaaqeen cudurro tan iyo bilowgii sannadka.
Radio Himilo
