Home Dhaqaale 10-ka magaalo ee ugu wanaagsan xagga nolosha caalamka 2019

10-ka magaalo ee ugu wanaagsan xagga nolosha caalamka 2019

0

Himilo –Magaalada Vienna ee Austria ayaa safka hore ka soo gashay liiska magaalooyinka ugu wanaagsan xagga nolosha caalamka sannadkan 2019

Vienna ayaa ku muteysatay kaalintan tayada adeegyada bulsho oo ay bixiso magaalada sida lagu sheegay warbixinta sannadlaha ah ee uu diyaariyo Economist Intelligent Unit.

Khubarada diyaariyay sahanka ayaa xusay in kaabayaasha dhaqaalaha Vienna, hawadeeda iyo adeegyada dhaqan, caafimaad iyo barbaarin oo ay fidiso inay noqon karaan wax laga dhigto tusaale.

Sahankan ayaa qiimeeyay 140 magaalo oo laga eegayay dhinacyada maciishada, danbiyada, gaadiidka, waxbarashada, adeegyada caafimaadka iyo xasilloonida dhaqaalaha.

10-ka magaalo ee ugu wanaagsan xagga nolosha sannadka 2019

1. Vienna, Austria

2. Melbourne, Australia

3. Sydney, Australia

4. Osaka, Japan

5. Calgary, Canada

6. Vancouver, Canada

7. Toronto, Canada

7. Tokyo, Japan

9. Copenhagen, Denmark

10. Adelaide, Australia

10-ka magaalo ee ugu liita xagga nolosha dunida

1. Damascus, Syria

2. Lagos, Nigeria

3. Dhaka, Bangladesh

4. Tripoli, Libya

5. Karachi, Pakistan

6. Port Moresby, Papua New Guinea

7. Harare, Zimbabwe

8. Douala, Cameroon

9. Algiers, Algeria

10. Caracas, Venezuela

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version