Home Macluumaad 14 October maalin xasuus ku leh shacabka Soomaaliyeed

14 October maalin xasuus ku leh shacabka Soomaaliyeed

0

aari xamuul ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay Isgoyska mashquulka badan ee Soobe ee magaalada Muqdisho, 14kii bishii October sanadkii 2017.

Qaraxaas, oo noqday kii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Afrika, ayaa waxaa ku naf waayay dad ku dhow 600 oo qof, halka 1,000 qof ku dhawaadna wey ku dhaawacmeen.

Xusuusta xasuuqaasi ka dhacay Isgyska Zobe weli kama guurin maskaxda Soomaalida iyo dunidaba.

Goobtii uu ka dhacay qaraxa waxaa ku yaalla taalo xusuuseed loogu magac daray 14-ka October. Sagaal sanno kadib dadka soomaaliyeed ayaa su’aalo iska weydiinaya sababta uu xasuuqaas u dhacay iyo cidda masuuliyada leh.

Marka aad tagto halkii dhibaatadu ka dhacday waxa keliya ee kuu muuqanaya waa taallo yar oo muujineysa taariiqda ay goobtaasi wax ka dhaceen, tii oo taaladii lafteeda ay qeyb maqan tahay oo ay burburtay, ma jirto astaan kale oo caddeyneysa dhibka meesha ka dhacay iyo xaddiga uu la’ ekaa.

Guri walba oo Soomaaliyeed dhibaatadii halkan ka dhacday si toos ah ama si dadban ayay u saameysay welina ehelada qaar ayaan dadkoodii rag iyo ruux helin.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version