Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad 3.2 Milyan oo qofood ayaa ku tukaday Taraawiixda masjidka Nabiga (NNKH)

3.2 Milyan oo qofood ayaa ku tukaday Taraawiixda masjidka Nabiga (NNKH)

0

Himilo FM- Inka badan 3.2 Milyan oo qofood ayaa salaada Taraawiixda ku tukaday masjidka Nabiga NNKH 15-kii maalmood ee ugu horreysay bisha Ramadaan sida laga soo xigtay maamulka Xarameynka.

Maamulka masjidka ayaa xusay in 1.4 Milyan oo qofood ku tukadeen gudaha masjidka halka 1.5 Milyan oo kale u istaageen salaada sunnada ah iyaga oo jooga bannaanada masjidka.

234,239 qofood ayaa sidoo kale ku tukaday saqafyada masjidka Nabiga NNKH sida laga soo xigtay maamulka Xarameynka.

Ku dhawaad 15,623 oo qofood ayaa ku tukada saqafyada masjidka Nabiga maalin kasta, 98,589 waxay ku cibaadeystaan gudaha masjidka halka 100,868 ku tukadaan bannaanada masjidka.

Inka badan 669,048 oo xujay ah ayaa tagay masjidka Nabiga NNKH iyo qabriyada Abuu Bakar iyo Cumar ee ku dhaw masjidka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version