Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha 500,000 oo Danyar Shiinees ah oo Shaqooyin looga abuurayo Mashruuca Qaran ee...

500,000 oo Danyar Shiinees ah oo Shaqooyin looga abuurayo Mashruuca Qaran ee Dhireynta iyo Ilaalinta Keymaha.

0

Muqdisho – Maamulka Guud ee Hey’adda Keymaha Qaranka Shiinaha ayaa sheegay inay u shaqaaleysiinayaan ilaaliyayaasha keymaha ku dhawaad nus malyuun danyar ah – kaas oo qeyb ka ah mashruuca ka-bogsashada faqriga.

Zhang Jianlong, oo agaasime ka ah maamulka ayaa ka sheegay kulan uu guddigu iskugu yimid dowlad-goboleedka Libo in mas’uuliyiinta Keymaha Qaranka ay shaqaaleysiinayaan ku dhawaad 500,000 oo qof kuwaas oo kasoo jeeda dadka danyarta ah.

Waxaa intaas dheer, in ka badan 1.6 milyan ayaa la siinayaa adduun lacageed ay ku kaban karaan noloshooda maadama ay dowladda ugu deeqeen dhulka ay keymo ka dhigto.

Tusaale ahaan, waaxda keymaha ee dowlad-degaanka Nujiang Lisu waxay 195 oo ah qoysaska danyarta ah u shaqaaleysiisay ilaaliyayaal keymo si ay dakhli uga helaan kahor-tagga iyo ilaalinta keymaha iyo iany sidoo kale ka gaashaantaan faqriga.

“Dowladaha hoose waa inay xil iska saaraan gaar-heynta shaqsiyaadka ku shaqada leh ilaalinta keymaha; oo lala kulmo baahiyahooda gaarka ah,” ayuu yiri Zhang.

Wuxuu sheegay inay qorsheynayaan 300,000 oo dheeraad ah in lagu kordhiyo tirada shaqaalaha iyo ilaaliyayaasha keymaha. Waxaana sidoo kale la siin doonaa xirfado iyo tababbaro la xiriira shaqada ay hayaan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version