Himilo- Wiil siddeed jir ah oo dib u eegis ku sameeya waxyaabaha caruurtu ku ciyaaraan isla markaanna kusoo bandhiga YouTube-ka ayay Forbes u magacawday inuu yahay kan ugu lacagta badan sannadka 2019.
Ryan Kaji, kaasi oo kanalkiisa Ryan ee dunida ay ku xiran yihiin 22.9 Milyan oo macaamiil ah ayaa kasbaday $ 26 milyan sannadka 2019.
Forbes ayaa ku qiyaastay tobbanka ugu dakhliga badan YouTube-ka oo ay iska leedahay Google wadar dhan $ 162 milyan inta u dhaxaysa Juun 1, 2018 iyo Juun 1, 2019.
Cunug kale oo shan jir ah, Anastasia Radzinskaya, ayaa fariisatay booska seddexaad iyada oo heshay dakhli dhan $18 million.
Sidaan ayay u kala sarreeyaan 10-ka shaqsi ee dhinaca dakhliga ka sameeya Youtube 2019
1 — Ryan Kaji, $26 million
2 — Dude Perfect, $20 million
3 — Anastasia Radzinskaya, $18 million
4 — Rhett and Link, $17.5 million
5 — Jeffree Star, $17 million
6 — Preston (Preston Arsement), $14 million
7 (joint) — PewDiePie (Felix Kjellberg, $13 million
7 (joint) — Markiplier (Mark Fischbach), $13 million
9 — DanTDM (Daniel Middleton), $12 million
10 — VanossGaming (Evan Fong), $11.5 million
