Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad 99 jir noqotay qofka ugu da’da weyn caalamka ee duulisa diyaarad

99 jir noqotay qofka ugu da’da weyn caalamka ee duulisa diyaarad

0

Himilo – Haweeney 99 jir ah oo kasoo jeeda California ayaa ka mid noqotay dadka nasiibka u yeeshay inay diyaarad duuliso iyada oo jebisay laba kamid ah diiwaanka dhacdooyinka adduunka kaddib markii ay kaxeysay diyaarad isla markaanna sidoo kale gudaha diyaaradda oo hawada ku jirta ay ku bixisay casharro ku aadan duulimaadyadda.

Robina Asti oo 99 jir ah ayaa loo aqoonsaday duuliyaha ugu da’da weyn caalamka iyo tababare dhinaca duulimaadyadda oo awood u leh duulinta diyaarad kaddib markii Axaddii lasoo dhaafay ay casharro ku aadan hab wadidda diyaaradaha ka bixisay akadeemiyadda NextGen Flight Academy xilli ay ku sugnaayeen garoonka diyaaradaha ee Riverside Municipal Airport.

“ Waxaan jeclahay in aan dadka la wadaago khibradda” ayay Asti u sheegtay KABC-TV.

Rikoorkan bixinta casharro ku saabsan duulimaadka  horey waxaa u heystay Iowa kaasi oo diyarad kaxeeyay isaga oo ay da’diisu tahay 98 sanno balse waxaa la wareegtay Robina Asti oo 99 jir ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version