Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Aabbaha dhalay Neymar oo meesha ka saaray wadahadalkii Barcelona

Aabbaha dhalay Neymar oo meesha ka saaray wadahadalkii Barcelona

0

Himilo- Aabbaha dhalay Neymar ayaa soo jeedinaya inuusan dooneynin inuu isku dayo wadahadalo uu ugu laabanayo Barcelona oo ku aadan weeraryahanka Paris Saint-Germain.

Intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga, Neymar waxaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ku laaban doono Camp Nou, kaliya labo sano ka dib markii uu ugu dhaqaaqay Parc des Princes lacag rikoor ah.

Si kastaba ha ahaatee, seddex sano ayaa uga hartay qandaraaskiisa, xiddiga reer Brazil ayaa ugu dambeyntii sii joogay kooxda ka ciyaarta Ligue 1.

Iyadoo wali ay jirto wadahadalo ku aadan kooxda heysata horyaalka Spain dhamaadka xilli ciyaareedkan, Neymar Santos Senior ayaa si maldahan u sheegay inuusan dooneynin inuu wadahadal la galo kooxda reer Catalan.

Isaga oo la hadlaya ESPN Brazil oo ku saabsan safarka uu ku aadi karo Barcelona, Neymar Sr wuxuu yidhi: ” Tani maahan kiiskan. Anigu waxaan joogaa Brazil oo halkan aan joogaa .”

Neymar ayaa shan kulan u saftay kooxda PSG xilli ciyaareedkan Ligue 1.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version