Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro AC Milan oo beddalka Lovren ka arkootay Man United

AC Milan oo beddalka Lovren ka arkootay Man United

0

Himilo -AC Milan ayaa ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo daafaca dambeedka dhexe ee Manchester United Eric Bailly ka dib markii ay iska diideen qiimaha ay ku dalbatay Liverpool Dejan Lovren.

Tababaraha cusub ee Milan Marco Giampaolo ayaa la fahamsan yahay inuu soo bandhigay daafac dhexe oo cusub inay tahay muhiimadiisa ugu sarreysa ka hor xilli ciyaareedka 2019-20, markii kooxda laga dhaliyay 36 gool xilli ciyaareedkii hore.

Lovren ayaa ahaa dooqa  ugu horreeyay ee Rossoneri, laakiin Liverpool ayaa dalbaneysa ugu yaraan 18 Milyan oo ginni oo ay ku dooneyso Croatian-kan, oo mushaar ahaan 4.5 Milyan oo Ginni u qaata taas oo dhibaato  ku ah kooxda maadaama laga ganaaxay xilli ciyaareedka soo socda Europa League.

Tuttosport ayaa sheegaysa in AC Milan ay u weecatay Bailly, kaas oo ay aaminsan yihiin in uu ka qiima hooseeyo Lovren.

25 jirkan ayaa keliya hal sanno uu ka haray qandaraaskiisa Manchester United, waxaana uu ku dhacay  xulashada Old Trafford, keliya siddeed kulan oo Premier League ah ayuu ku billowday xilli ciyaareedkii 2018-19, oo uu ku jiro seddex uu ka hoos shaqeeyay Ole Gunnar Solskjaer.

Bailly ayaa lagu soo waramayaa inuu ku farraxsan yahay inuu sii joogo United, lakiin kooxda ayaa raadineysa inay iska iibiso daafaca dhexe haddii ay ku guuleystaan soo xerogelinta  Leicester City xiddigeeda  Harry Maguire, kaas oo ay horay uga gudbiyeen labo dalab balse laga soo diiday.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version