Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Adidas oo soo saartay kabo jeeb leh oo alaab muhiim ah aad...

Adidas oo soo saartay kabo jeeb leh oo alaab muhiim ah aad ku xafidan karto

0

Goorta jeebkaaga aanad kalsooni badan ku qabin in uu ilaalin karo wixii aad ku ridato waa welwel dhibtiisu aanay yareyn, hayeeshee caqabadaas ayaa u muuqato mid dhammaad joogta oo xal in loo helay ayay u egtahay.

Shirkadda Adidas ayaa soo saartay kabo, waa hadde kabo, jeeb leh oo aad ku xafidan karto waxyaabo haldoor kuu ah, sida lacagta, furayaasha aqallada iyo gaadiidka, iyo weliba cuntooyinka fudud intooda yaryar.

Rugta ganacsiga BAIT oo si Online ah wax looga iibsado ayaana soo bandhigtay kabahan cusub oo ay ka wada shaqeeyeen shirkadda soo saarta agabyada la xirto ee Adidas.

Kabahan oo magacooda la yiraahdo ‘Happy 420’ ayaana si rasmi ah looga iibsan doonaa Internetka wixii ka danbeeya maallinta Jimcaha oo taariikhdu ay ku beegan tahay 15, April, 2016.

Haddii aad hesho fursad aad kabahan ku iibsan karto, waxaad dhaafsan doontaa adduun lacageed dhan £84.29 oo u dhiganta $120.

bait-adidas-stan-smith-happy-vulc-06.jpg

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version