Home Cayaaro Adrien Rabiot oo diiday inuu ku biiro United balse doortay koox Italy...

Adrien Rabiot oo diiday inuu ku biiro United balse doortay koox Italy ah

0

Himilo – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Adrien Rabiot ayaa  diiday dalab uga yimid Manchester United isagoo ku biiraya Juventus ka hor xilli ciyaareedka 2019-20-ka.

Rabiot wuxuu arkayaa qandaraaskiisa PSG oo dhacayo 30-ka June, sidaas darteed waxaa lagu heli karaa suuqa  xorta ah.

United ayaa lagu soo waramayaa inay la soo xiriirtay ciyaaryahanka khadka dhexe isbuucii hore.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay suxufiga Talyaaniga Gianluca Di Marzio, Rabiot ayaa diiday fursad uu ugu dhaqaaqi lahaa Old Trafford, si uu heshiis cusub ugu saxiixo Juve.

24 jirkan ayaa 227 kulan u saftay PSG tartamada oo dhan, isagoo ku guuleystay  shan koob oo Ligue 1 ah  intii uu joogay Paris hase ahaatee xiddiga reer France ayaan xul ka ahayn  Thomas Tuchel kooxdiisa tan iyo bishii December.

Juve ayaa durbadiiba ku dhawaaqday inay lasoo saxiixatay Aaron Ramsey si xor ah xagaagan, waxaana sidoo kale lagu soo waramayaa inay ku guuleysatay tartanka loogu jiro saxiixa kabtanka Ajax Matthijs de Ligt ka hor xilli ciyaareedka cusub.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version