Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Madadaalo Af-saab lagu iibsanayo 1.5-milyan oo doolar

Af-saab lagu iibsanayo 1.5-milyan oo doolar

0

Himilo ­­­­­­­­­­­­­­­­­– Shirkad laga leeyahay Isreal ayaa wadda qorshe ay kusoo saareyso waxay ugu yeertay Af-saabkii ugu qaalisanaa caalamka ee lagaga gaashaanto Feyruska Corona.

Waxaa laga sameeynayaa dhagxaanta qaaliga ah ee Dahabka iyo Diamondka, kuwaas oo qiima ahaan ku kacaya 1.5-milyan oo doolar.

18-karat, qurxintiisa waxaa ku jiri doona 3,600 oo noocyada cad iyo kuwa madow ee Diamond-ka.

Isaac Levy- oo ah milkiilaha shirkadda Yvel ee sanceyneysa waji-xirkan, ayaa sheegay inay fulinayaan dalabka mid kamid ah macaamiisha ku xiran, kaas oo horey u dalbaday af-saabyo kale.

Waxa uu ka gaabsaday inuu shaaciyo magaca iibsadaha Af-saabka noqon doona kan ugu qaalisan aduunka ee looga gaashaanto Corona, kadib marka shaqadiisu ay dhamaato.

Warbaahinta qaar ayaa warrineysa in dalbadahaasi yahay ganacsade Shiinees ah oo ku nool wadanka Mareykanka.

Waxaa la rajeynayaa in sameynta Af-saabkan lasoo gabagabeeyo dhamaadka sanadkan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version