Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Allegri “Ma doonayo in aan tababare u noqdo Man Utd.”

Allegri “Ma doonayo in aan tababare u noqdo Man Utd.”

0


Himilo FM – Tababaraha Juventus Massimiliano Allegri ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu doonayo inuu noqdo tababaraha cusub ee Manchester United xaggaaga soo aadan, sida laga soo xigtay Mail on Sunday.

Red Devils ayaa baadi goob ugu jirta tababare cusub kaddib markii la ceyriyay Jose Mourinho islamarkaana ay si ku meel gaar ah u magacaabeen Ole Gunnar Solskjaer illaa dhammaadka xilli ciyaareedkan. Si kastaba ha ahaatee, Allegri ayaa diiday wararka la isla dhexmarayo ee ku aadan inuu diyaar u yahay maamulidda garoonka Old Trafford.

“Weli waxaan heystaa sannad iyo bar oo ah qandaraaskeyga,” ayuu yiri 51 jirkan kaasi oo kooxda Turin ku hoggaamiyay afar horyaal oo Serie A ah,

“halkan ayaan ku fiicanahay, waxaan sameyneynaa waxyaabo muhiim ah.”ayuu ugu danbeyn sheegay hoggaamiyha reer Italy.

Kooxda Juventus ayaa haatan sagaal dhibcood oo nadiif ah ku hoggaamineysa horyaalka Serie A iyadoo badisay 17-ka mid ah 19-kulan oo ay ciyaareen.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version