Home Cayaaro Alvaro Morata oo tijaabada caafimaad u maray Atletico Madrid

Alvaro Morata oo tijaabada caafimaad u maray Atletico Madrid

0

Himilo FM – Alvaro Morata ayaa tijaabada caafimaadka u maray Atletico Madrid ka hor inta uusan ka dhaqaaqin Chelsea.

Morata ayaa dhaliyay 24 gool 72 kulan oo uu u saftay Chelsea tan iyo markii uu yimid Real Madrid 2017.

26 jirkan ayaa si aad ah ugu dhibtooday kooxda ku ciyaarta garoonka Stamford Bridge iyadoo Chelsea ay dhawaan Gonzalo Higuain ammaah uga soo qaadatay Juventus si uu u hoggaamiyo weerarkooda  xilli ciyaareedkan.

Morata ayaa lagu soo waramayaa in uu ammaah ugu biirayo Atletico 18-ka billood ee soo socda, inkastoo ay jiri doonaan fursad uu heshiiska ku noqon karo mid joogto ah dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Morata ayaa dhaliyay 31 gool 95 kulan oo uu saftay intii uu joogay Real Madrid.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version