Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Angel Di Maria oo lagu xukumayo bixinta canshuur uu gacan bidixeeyey xilligii...

Angel Di Maria oo lagu xukumayo bixinta canshuur uu gacan bidixeeyey xilligii Spain.

0

Muqdisho – Xiddiga Paris Saint-GermainAngel di Maria ayaa la ganaaxay €2m (£1.76m) kadib markii uu qirtay in tiro laba jeer uu ku kacay wax is daba marin dhanka canshuurta la xiriirta.

Laacibkii hore Man United ayaa sidoo kale lagu riday xabsi hal sano ah, hayeeshe waxay u badan tahay inuu xabsi ku qaato muddo ciqaabeedka lagu riday maadama xukun laba sano ee Spain dib loo dhigay.

Marka loo eego PA Sport, Di Maria wuxuu bixin doonaa adduun dhan  £1.14m oo la qiyaas ah lacagtii uu ka qaadan jiray Real Madrid sanadihii 2012/2013.

Laacibkan oo kooxda Madrid isaga tagay sanadkii 2014 kahor intuusan ku biirin Man United ayaa sidoo kale la faray inuu bixiyo ganaax dhan 60%.

Laacibka Madrid Ronaldo ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu maxkamadda hor tago July 31 si uu kaga jawaabo eedeymo la xiriira fadeexad kasoo waajahday dhinaca canshuurta.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version