Home Macluumaad Arday Caleemaha Geedaha oo kaliya ka sameeyey Dhar lagu labisto.

Arday Caleemaha Geedaha oo kaliya ka sameeyey Dhar lagu labisto.

0

Muqdisho – Afar arday oo dhigata Jaamacadda Hefei ee bariga Shiinaha ayaa dhawaan caddeeyey in caleemaha geedaha ay ku filan yihiin dhar ahaan in loo xiran karo.

Sawirada afarta arday oo ku labisan caleemaha ayaa ku baahay baraha bulshada ee dalka Shiinaha, waxaana laga bixinayay aragtiyo isku qasan oo la xiriira sida 6,000 oo caleemood looga sameyn karo hu’ dhar ahaan loo xirto.

Kooxda fikradda ka danbeysa – laba wiil iyo laba gabdhood – waxay aragtidan kusoo dhacday lix bilood kahor markii ay doonayeen inay la yimaadaan barnaamij xiiso oo ay kaga qeyb-galaan tartanka sanadlaha ah ee Animal and Plant Specimen Contest oo Jaamacaddu ay qabato.

Si kastaba, la-tashi iyo caawimaad muuqata oo ay ka heleen barayaashooda, waxay ku guuleysteen sameynta dharkan laga sameeyey caleemaha geedka Magnolia.

plant-leaf-dress9-750x566

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version