Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Arday dhigta Harvard oo sameeyay mareeg lagu caawiyo qaxootiga reer Ukraine

Arday dhigta Harvard oo sameeyay mareeg lagu caawiyo qaxootiga reer Ukraine

0

Himilo – Labo arday oo wax ka barta jaamacadda Harvard ayaa sameeyay mareeg (website) ay ugu tala galeen in lagu caawiyo qaxootiga reer Ukraine ee qaxay.

Mareegtan ayaa loo nashqadeeyay inay isku xirto dadka ka soo qaxay waddanka Ukraine iyo dadka doonaya inay marti galiyaan ama ay kaalmeeyaan.

Avi Schiffmann oo19 jir ah iyo saaxiibkii  Marco Burstein oo 18 jir ah ayaa toddobaad gudihii  ku sameeyeen mareegta samafalka eeTakeShelter.com.

Dadka reer Ukraine ee dalkooda ka soo qaxay boggan wuxuu u salhayaan inay ka heli karaan macluumaadka magaalooyinka ugu dhaw ee loogu diyaariyay marti soorka.

Aasaasayaasha ayaa sheegay inaysan saddex habeen hurdin oo ay ku jireen hawsha dhismaha mareegta  kadib duullaankii Ruushka ee Ukraine.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version