Home Cayaaro Arsenal iyo Everton oo ku dagaalamaya saxiixa James Rodriguez

Arsenal iyo Everton oo ku dagaalamaya saxiixa James Rodriguez

0

Himilo – Arsenal iyo Everton ayaa la tilmaamayaa inay tartan adag ugu jiraan saxiixa khadka dhexe ee Real Madrid James Rodriguez kahor dhammaadka suuq furanka bishan.

Cayaaryahanka ayaa ku soo laabtay garoonka Bernabeu xagaagii tagay kaddib markii uu labo xilli cayaareed ku qaatay Bayern Munich isaga oo u cayaaray Los Blancos 11 kulan xilli cayaareedka 2019-2020.

Cayaaryahanka qaranka Colombia ayaan ka qeyb galin kulan katirsan La Liga tan iyo bishii October sabab la xiriirta dhaawac iyada oo su’aal laga keenay mustaqbalka laacibka ee kooxda reer Spain.

Marka la eego wararka ka soo baxaya Spain, Arsenal iyo Everton ayaa labaduba xiiseynaya saxiixa laacibka reer Koonfur Ameerika kahor dhammaadka bishan.

Madaxweynaha Madrid Florentino Perez ayaa la soo warinayaa in uu dul-dhigay cayaaryahanka qiimo dhan £34 Milyan inkasta oo kooxda u furan tahay heshiis ammaah ah.

Hadda, tababaraha Everton Carlo Ancelotti ayaa la rumeysan yahay in uu xiiseynayo saxiixa Rodriguez.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version