Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Arsenal iyo Manchester City oo loo gacan geliyay saxiixa Denis Zakaria

Arsenal iyo Manchester City oo loo gacan geliyay saxiixa Denis Zakaria

0

Himilo – Agaasimaha isboortiga Max Eberl ayaa qirey in Denis Zakaria ay u badan tahay inuu ka tagayo Borussia Monchengladbach xagaagan.

24 jirkaan ayaa wacdaro ka dhigay Bundesliga tan iyo 2017, isagoo wadar ahaan u saftay 109 kulan wuxuuna ka caawiyay kooxdiisa inay u soo baxdo Champions League.

Si kastaba, qaab ciyaareedka ciyaaryahanka reer Switzerland ayaa si dabiici ah u horseeday xiisaha meelo kale, oo ay ku jiraan Arsenal iyo Manchester City.

In kasta oo Monchengladbach ay isku dayeyso inay qandaraaska u kordhiso ciyaaryahanka 2022-ka Eberl wuxuu qirey in bixitaanku u eg yahay mid aad u dhow.

Isaga oo la hadlaya wariyaasha, Eberl waxa uu yiri: “Denis, waxaan isku dayeynay in aan kordhino qandaraaskiisa ilaa bishii Oktoobar. Denis iyo maamulkiisa si cad ayey noogu sheegeen in ay doorbidayaan in xagaagan  baxaan .”

Liverpool oo u baahan bedelka Georginio Wijnaldum ayaa sidoo kale lala xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso Zakaria waqti hore.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version