Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Arsenal oo beddalka Ramsey kula dagaalami doonta Tottenham

Arsenal oo beddalka Ramsey kula dagaalami doonta Tottenham

0

Himilo FM –AC Milan ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay iibiso xiddiga khadka dhexe ee Franck Kessie xagaagan iyadoo Tottenham iyo Arsenal ay labadoodaba ku dagaalamayaan.

Xiddiga reer Ivory Coast ayaa lagu qiimeeyaa 30 milyan oo Euro oo u dhiganta  (27 Milyan oo ginni), inkastoo uu ahaa xubin muhiim ah oo katirsan kooxda Gennaro Gattuso iyadoo Marco Giampaolo la filayo inuu la wareego maalmaha soo aadan kooxda.

22 jirkan ayaa dhaliyay 7 gool 34 kulan oo uu u saftay AC Milan xilli ciyaareedkii hore iyadoo ay waayeen booska Champions League.

Tottenham ayaa lala xiriiriyay dhowr ciyaaryahan oo khadka dhexe ah xagaagan maadaama shaki la galinayo  mustaqbalka Christian Eriksen, Eric Dier iyo Victor Wanyama.

Spurs iyo Arsenal ayaa labadaba loo sheegay inay suurtagal tahay inay la soo wareegaan xiddiga khadka dhexe Franck Kessie, sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya Italy.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version