Home Cayaaro Arsenal oo daneynaysa inay heshiis cusub ka saxiixdo Aubameyang

Arsenal oo daneynaysa inay heshiis cusub ka saxiixdo Aubameyang

0

Himilo- Arsenal ayaa ku abaal-marineysa ciyaaryahankeeda Pierre-Emerick Aubameyang heshiis cusub oo lagu kordhinayo qandaraaska uu kooxda kula jiro sida laga soo xigtay La Gazzetta dello Sport.

Weeraryahanka reer Gabon ayaa dhaliyay toddobo gool siddeed ciyaar oo katirsan Premier League-ga xilli ciyaareedkan isaga oo lafdhabar u ahaa guulaha yar ee kooxda.

Kooxda Gunners ayaa diyaar u ah inay cusbooneysiiyaan heshiiska uu kooxda ku joogo ciyaaryahanka kaasi oo ay labo sanno ka harsan tahay.

Aubameyang ayaa yimid garoonka Emirates Stadium sannadkii 2018-ka, waxaana u heystaa qandaraas labo sanno ah oo ku sii joogayo kooxda.

30 jirka ayaa ku dhammeystay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee horyaalka Ingiriiska safka ciyaaryahanada ugu goolasha badnaa sannadkii hore isaga oo dhaliyay 22 gool.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version