Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Arsenal oo dib u soo nooleyneysa xiisaha ay u qabto Rafinha

Arsenal oo dib u soo nooleyneysa xiisaha ay u qabto Rafinha

0

Muqdisho – Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay dib usoo nooleyso xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona, Rafinha.

Gunners ayaa lala xiriirinayey inay u dhaqaaqeyso 24 jirkan xagaagii hore, laakiin waxay ku guuldareysatay inay heshiis la gaarto Barcelona ama ciyaaryahanka.

Rafinha ayaa shabaqa soo taabtay 7 jeer 28-kii kulan ee xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, laakiin waxa uu seegay dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga oo dhaawac jilibka ah, islamarkaana uusan weli ciyaarin xilli ciyaareedkaan.

Bishii lasoo dhaafay, Rafinha aabihiis Mazinho ayaa sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe uusan xiiseyneynin inuu ka tago Barcelona, lakiin Juventus ayaa tan iyo markaa lala xiriiriyay.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Arsenal ayaa haatan dib u soo cusbooneysiisay xiisaheeda, Gunners ayaana tijaabin doonta inay dalab u dirto bisha Janaayo.

Rafinha ayaa ku soo laabtay Barcelona xagaagii 2014 ka dib markii uu amaah ku joogay Celta Vigo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version