Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Arsenal oo diiday dalab Roma ay si rasmi ah kula wareegayso Mkhitaryan

Arsenal oo diiday dalab Roma ay si rasmi ah kula wareegayso Mkhitaryan

0

Himilo- Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay diiday dalab uga yimid Roma oo la xiriira ciyaaryahanka Henrikh Mkhitaryan sida ay qortay Forza Roma. Roma ayaa dooneysa inay Mkhitaryan kula wareegto heshiis joogta ah suuq furanka bishan.

Ciyaaryahanka reer Armenia oo ku biiray kooxda ka dhisan waqooyiga London bishii Janaayo ayaa u wareegay kooxda caasimadda Talyaaniga kaddib markii uu ku guuldareystay in uu xiiso geliyo tababarihii hore ee Arsenal Unai Emery.

Isaga oo seegay kulamdii furitaanka xilli ciyaareedkan sabab ku qotanta dhaawac, Mkhitaryan ayaa dhaliyay seddex gool oo Serie A ah sagaal kulan oo uu ciyaaray.

Marka la eego Forza Roma, Gunners ayaa diiday dalabka Roma ee ciyaaryahanka oo ku kacaya £8.5 Milyan.

Paulo Fonseca, maamulaha kooxda Roma ayaa la rumeysan yahay in uu la dhacay ciyaaryahanka oo soo bandhigay xirfad sarre intii uu joogay Roma.

Kooxda Roma ayaa sidoo kale daneynaysa inay xaqiijiso heshiis rasmi ah oo ay kula soo wareegto difaaca Man United Chris Smalling oo macno badan ka sameeyay Serie A-da Talyaaniga.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version