Home Cayaaro Arsenal oo ka cabsi qabta in xiddigo waaweyn ka tagaan

Arsenal oo ka cabsi qabta in xiddigo waaweyn ka tagaan

0

Himilo- Madaxda kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay muujiyeen cabsi ay ka qabaan in Alexandre Lacazette iyo Pierre-Emerick Aubameyang ay kooxda ka tagi doonaan hadii Unai Emery uu sii wato shaqada xilli ciyaareedka soo socda.

Waxaa la sheegay in madaxa kubada cagta Raul Sanllehi iyo agaasimaha farsamada Edu ay wadahadalo xiisadeed wada yeesheen wax yar ka dib kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen Southampton sabtidii.

Emery ayaa la kulma cadaadis aad u sareeya ka dib markii uu maareeyay kaliya hal guul 7dii kulan ee ugu danbeysay ee uu tababare u ahaa Arsenal.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Arsenal ayaa ka cabsi qabta rajada laga qabo inay lumiso labada weeraryahan ee kor ku xusan haddii Emery uu booskiisa sii hayo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.

Aubameyang iyo Lacazette ayaa lasheegay inay ka tagayaan Emirates hadii kooxdu mar kale seegto afarta sare bisha May.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciyaaryahanka qadka dhexe Lucas Torreira uu raadin doono inuu ku laabto Italy iyadoo jahwareerka sii kordhayo uu ka taagan yahay doorkiisa taatikada ah ee uu ku leeyahay kooxda ninka reer Spain.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version