Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Arsenal oo ka mid noqotay kooxaha daneynaya Ruben Neves

Arsenal oo ka mid noqotay kooxaha daneynaya Ruben Neves

0

Himilo – Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay xiddiga Wolverhampton Wanderers ee Ruben Neves inuu yahay mid ka mid ah afarta bartilmaameed ee khadka dhexe ka hor maalinta Isniinta ee soo socota.

24-sano jirkaan, oo dhaliyay goolkiisii labaad ee xilli ciyaareedka, guushii ay ka gaareen Brentford isbuucii hore, ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu ka tagayo Molineux, xilli ay xiiseynayaan kooxaha sida Gunners, Manchester United iyo Chelsea.

Neves wuxuu soo jeediyay bishii Diseembar inuu arko mustaqbalkiisa dhow ee Wolves; si kastaba ha ahaatee, The Athletic ayaa sheegeysa in Arsenal ay tixgelin doonto dalab soo daahay oo ku aadan xiddiga reer Portugal.

Arsenal ayaa sidoo kale suuqa ugu jirta weeraryahan cusub waxana ay isku dayi doontaa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Everton Dominic Calvert-Lewin ama xiddiga Real Sociedad Alexander Isak xilli bartilmaameedkii koowaad ee Dusan Vlahovic uu ku sii dhawaanayo in uu ka tago Fiorentina kuna biiro Juventus.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version