Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Arsenal oo wajaheysa kooxda Qarabag

Arsenal oo wajaheysa kooxda Qarabag

0

Himilo FM – Kooxda Gunners waxay garoonkeeda Emirates Stadium caawa ku soo dhaweyn doontaa kooxda Qarabag oo ay ku loolami doonaan lugta ugu dambaysa heerka group-yada horyaalka Europa league.

Arsenal oo ah kooxda hoggaamineysa group E waxay wajihi doontaa kooxda ugu hooseyso group-ka oo u dagaalameysa sidii ay uga bixi laheyd booskaas.

Qarabag waxay ka ciyaartaa horyaalka Azerbaijan, waxayna seddax dhibcood ka hooseysaa kooxda horyaalka hoggaamineysa ee Neftci Baku

Guuldarro masoo wajahin Qarabag tan iyo 28 October markaa oo hoggaaminta horyaalka ay kala wareegtay kooxda Caasimada.

Macallinka leyliya Qarabag Gurban Gurbanov oo 46 jir ah ayaa hoggaanka kooxda qabtay sanadkii 2008, waana ciyaariyahanka ugu goolasha badan xulka Azerbaijan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version