Kooxaha Kubadda Cagta Arsenal iyo Manchester City ayaa galabta lixda maqribnimo ku ballansan kama dambeysta Koobka Community Shield ciyaar ka dhici doonka Garoonka Qaranka England ee Wembley.
Arsenal ayaa mar kale laga sugayaa in ay muujiso sida ay ugu tartami karto Horyaalka England oo ay sanadkii la soo dhaafay intiisa badan hoggaanka u heysay kuna dhameystay kaalinta 2aad.
Koobkan oo uu Xiriirta FA-ga u qabto kooxa ku guuleystay horyaalka iyo FA-ga ayaa labadaba waxaa ku guuleystay City si la mid ah Champions League, laakiin maaddaama ay Arsenal Horyaalka ku dhameysatay kaalinta 2aad iyada ayaa xaq u leh in ay la ciyaarto Man City.
Guardiola iyo Arteta labada macalin ee kala wata kooxaha ayaa mid kasta ku booteeyay in uu ka guuleysan karo kan kale.
Taageerayaasha Arsenal ayey guul weyn uga dhigantahay haddii ay qaadaan koobkan waxanay rajo ka yeelanayaan horyaalka billaabmaya isla 11ka bishan.
Hlkan City ku rajo weyn tahay in ay halkeeda ka sii wadato waqtiga wanaagsan ee ay soo qaadatay 2022/2023.
