Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Aston Villa oo ceshanaysa laacibkeeda Grealish

Aston Villa oo ceshanaysa laacibkeeda Grealish

0

Himilo – Aston Villa ayaa heshiis cusub oo  lacag kordhin ah ka saxiixeysa cayaaryahankeeda Jack Grealish si ay uga hortagto rabitaanka Man United.

Grealish ayaa Villa ku hoggaamiyay in aysan hoos uga dhicin heerka koowaad ee Horyaalka Ingiriiska isaga oo dhaliyay siddeed gool islamarkaana caawiyay lix kale.

Manchester United ayaa hoos u dhigtay xiisaha kabtanka Aston Villa Jack Grealish si ay diiradda u saarto Jadon Sancho.

Grealish ayaa ka caawiyay Aston Villa in aysan dib ugu laaban horyaalka Ingiriiska maalintii ugu danbeysay ee xilli cayaareedkan.

Sidaa darteed, Villa ayaa u sheegtay Man United in ay ku dooneyso laacibka adduun dhan £80m si ay u fasaxdo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version