Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Aston Villa oo u dhaqaaqeysa Divock Origi

Aston Villa oo u dhaqaaqeysa Divock Origi

0

Himilo – Weeraryahanka Liverpool Divock Origi ayaa bartilmaameed u ah kooxda horyaalka Ingiriiska ee Aston Villa.

25 jirka ayaa muhiim u ahaa Reds ol-olaha 2019-20 isaga oo ka soo muuqday 42 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil.

Cayaaryahanka qaranka Belgium ayaa heysta muddo afar sanno ah oo ka haray qandaraaskiisa Anfield laakiin waa uu ka tagi karaa kooxda Klopp sabab la xiriirta in aan lagu soo bilaabin kulamo badan xilli cayaareedka dhammaaday.

Sida laga soo xigtay The Sun, Villa oo ka badbaaday in ay dib uga laabato horyaalka Ingiriiska ayaa xiiseynaya laacibka da’da yar.

Origi ayaa dhaliyay 34 gool 140 kulan oo uu u saftay Liverpool.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version