Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Atletico Madrid oo Barcelona kasoo reebtay Champions League

Atletico Madrid oo Barcelona kasoo reebtay Champions League

0
Atletico Madrid's players celebrate their win during the Champions League quarter-final second leg football match Club Atletico de Madrid vs FC Barcelona at the Vicente Calderon stadium in Madrid on April 13, 2016. / AFP / GERARD JULIEN (Photo credit should read GERARD JULIEN/AFP/Getty Images)

 

Barcelona ayaa soo booqatay gegada Vicent Calderon iyadoo wadatay guul 2-1 ah oo lugtii koowaad oo Champions League ay toddobaadkii tegay kusoo gaartay gegadeeda Camp Nou.

Cayaarta inta aanay bilaaban, waxaa badi loo saadaalinayay in Barcelona ay noqon doonto kooxda wareegan kasoo gudbeysa.

Antoine Griezmann ayaa hogaanka u dhiibay kooxda caasimaddda loogu soo martiyay daqiiqaddii 36aad, goolka uu dhaliyay ayaana ahaa farqiga labada kooxood waxa sameeyay qeybtii koowaad oo cayaarta.

Daqiiqaddii 88aad, markale laacibka reer Faransa ayaa shabaqa gool labaad dhex dhigay markuu tuurtay gool ku laad si ay afarta kooxood oo Champions League isugu soo haray uga mid noqdaan.

Sanaddii 2013-2014 sidaan oo kale wiilasha macallin Diego Simeone ayaa isla wareegan kooxda Barcelona ku reebay tartankan.

Lionel Messi, Neymar Jr. iyo Luis Suarez oo garoonka ku wada jiray ayaa wax qaban waayay, waana habeen kale oo dhibaato kooxdan ay soo gaartay, xilli labaddii kulan oo ugu danbeysay ay horyaalka guuldarrooyin kasoo gaareen.

Abaarta gool dhallineed ee Lionel Messi ayaana halkeedii kasii socota iyadoo xiddigu uu ku jiro waqtigiisii ugu xumaa muddo shan sanaddood ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version