Home Cayaaro Atletico Madrid oo bartilmaameed ka dhiganaysa laacib katirsan Barcelona

Atletico Madrid oo bartilmaameed ka dhiganaysa laacib katirsan Barcelona

0

Himilo – Atletico Madrid ayaa la soo warinayaa inay go’aansatay dalabka khadka dhexe ee Barcelona Ivan Rakitic inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

31 jirka ayaa si weyn loola xiriiriyay ka dhaqaaqista garoonka Camp Nou bishii Janaayo ee tagtay laakiin waxaa uu la joogi karaa kooxda heysata horyaalka Spain illaa dhammaadka ol-olaha 2019-20

Rakitic ayaa ka soo muuqday 30 kulan oo Barcelona ah balse waxaa lagu soo billaabay keliya 9 cayaar.

Mustaqbalka laacibka reer Croatia ayay dood ka furan tahay. Marka la eego Marca, Atletico ayaa u aragta cayaaryahanka bartilmaameed muhiim ah xagaaga soo socda. Wararka ayaa tilmaamaya in kooxda Diego Simeone ay ku war gelisay Rakitic xiisaha ay u qabto.

Qandaraaska Rakitic ee Barcelona ayaa dhacaya xagaaga 2021-ka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version