Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Atletico Madrid oo dooneysa saxiixa Mario Gotze

Atletico Madrid oo dooneysa saxiixa Mario Gotze

0

Himilo – Cayaaryahanka ku guuleystay koobka adduunka ee Mario Gotze ayaa la soo warinayaa in uu bartilmaameed u yahay kooxda Atletico Madrid.

Gotze ayaa la tilmaamayaa in uu ka tagayo Borussia Dortmund isaga oo ku baxaya suuq furan dhammaadka bisha, taasi oo soo gabagabeynaysa joogitaankiisa kooxda horyaalka Bundesliga.

Inkasta oo aan la siin wakhti badan oo garoonka ah haddana 28 jirka waxaa doonaya kooxo badan.

Si kasta, sida laga soo xigtay warbaahinta Spain, madaxa  Atletico Diego Simeone ayaa doonaya in uu siiyo cayaaryahanka fursad uu ku soo nooleyn karo xirfaddiisa.

Gotze ayaa keliya ku soo billowday lix kulan iyo 14 beddal ah xilli cayaareedkan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version