Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Atletico Madrid oo xawaaraheedii la hakiyay loona awood sheegtay

Atletico Madrid oo xawaaraheedii la hakiyay loona awood sheegtay

0

Kooxda booska labaad horyaalka La Liga fadhisa Atletico Madrid ayaa booqatay kooxda Sporting Gijon oo kulan ka tirsan horyaalka La Liga ay waada dheeleen.

Antoine Griezmann ayaa daqiiqaddii 29aad furay akoonka gool dhalinta kulanka markii uu shabaqa u soo taabtay kooxda Atletico Madrid oo qeybtii koowaad oo kulanka 1-0 ku hogaamineysay.

Antonio Sanabria ayaa daqiiqaddii 79aad goolka barbaraha u soo celiyay kooxda Sporting Gijon, iyadoo daqiiqaddii 89aad uu goolka guusha u dhaliyay Carlos Castro oo caawin ka helay Jony.

Cayaarta ayaana waqtigii loogu talo galey kusoo idlaatay 2-1 oo guushu ay ku raacday Sporting Gijon.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version