Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Austria oo gabdhaha muslimiinta ka mamnuuceysa inay xijaab u qaataan iskuulada

Austria oo gabdhaha muslimiinta ka mamnuuceysa inay xijaab u qaataan iskuulada

0

Himilo FM – Austria ayaa ugu danbeyn shalay ansixisay hindisaha mamnuucaya in wejiga wax lagu soo xirto kaasi oo markii ugu horreysay ay soo saatay bishii October 2017.

Golaha baarlamaanka ayaa meel mariyay hindisahan oo gabdhaha muslimiinta ka mamnuucaya inay xijaab u qaataan iskuuulada hoose.

Sharcigan waxaa taageeray xisbiga midigta dhexe ee talada haya iyo xisbiga xurriyadda midigta, balse waxaa diiday mucaaradka.

Sida ku cad heerka hindisaha waxaa la mamnuucay dhammaan dhar kasta oo dabooli kara madaxa oo loo gashado sababo diimeed.

Masuuliyiinta ururada muslimiinta ee Austria waxay canbaareeyeen sharcigan waxay sheegeen inuu yahay mid lagu takoorayo Muslimiinta.

Muslimiinta ku nool Austria sannadkii 2017 waxaa tiradooda lagu qiyaasay 700,000. Boqolkiiba siddeed ayay ka yihiin bulshada dalkaasi.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version