Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Ballack oo Ozil kula taliyay inuu ku biiro Bayern Munich

Ballack oo Ozil kula taliyay inuu ku biiro Bayern Munich

0
Germany's midfielder Michael Ballack applauds after the Germany vs Wales football World Cup 2010 group 4 qualifying match at the Borussia-Park in Moenchengladbach on October 15, 2008. Germany won 1-0. AFP PHOTO DDP/ JUERGEN SCHWARZ GERMANY OUT (Photo credit should read JUERGEN SCHWARZ/AFP/Getty Images)

Muqdisho – Kabtankii hore ee xulka qaranka Jarmalka, Micheal Ballack ayaa kula taliyay weeraryahanka Mesut Ozil inuu ku biiro kooxda Bayern Munich haddii uu doonayo inuu hantiyo bilado abaal-marineed.

Mustaqalka Ozil ee Arsenal ayaa ku jira mugdi maadaama uusan ku jirin wada-hadal uu ku cusbooneysiinayo heshiiskiisa ku eg sanadka 2018.

28-jirkan ayaa toddobaadyadii dhawaa waxaa lala xiriirinayaa kooxo waaweyn, balse Ballack ayaa dareensan in kusoo laabashada Jarmalka ay laacibkan ka saacidi karto fursado fiican.

“Mesut waa laacib qiimo weyn, koox kasta ayaa jeclaan lahayd inay hesho,” ayuu yiri Ballack.

“Haddii uu rabo inuu koobab ku guuleysto, wuxuu fursad weyn u heystaa ku biirista Bayern Munich.”

Arsenal ayaan oggolaan doonin inay si raqiis ah ku wareejiso Ozil haddii uu go’aansado inuu ka dhaqaaqo naadiga, hayeeshe Ballack ayaa qaba taasi inaysan caqabad ku ahayn Munich.

“Haddii aad rabto laacib caalami ah, waa kugu waajib inaad maal-geshato,” ayuu yiri.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version