Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Banaadir FC oo la cayaari doonta Al Beder

Banaadir FC oo la cayaari doonta Al Beder

0

Si habsami la’ toddobaad bilowgan waxaa gegada Banaadir Stadium looga cayaari doonaa horyaalka heerka labaad ee Soomaaliya.

Inkastoo Isniin ilaa Jimco la dheelo horyaalka heerka koowaad, maalmaha Sabtida iyo Axadda waxaa la cayaari doonaa horyaalka heerka labaad.

Horyaalka heerka labaad ayaana si toos ah loo daah furay toddobaadkii tegay oo labo kulan laga dheelay.

Inyar kaddib gegada Banaadir Stadium waxaa lagu dheeli doonaa kulankii saddexaad ee horyaalka heerka hoose, waxaana fooda isdari doona kooxaha Banaadir FC iyo Al-Beder.

Labada kooxood ayaana doonaya inay guulo ku bilowday xagaagan, hiigsadaane sidii xilli cayaareedka danbe ay heerka koowaad ku imaan lahaayeen.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version