Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Caruurta Bangladhesh: Haweenay leh labo ilmo galeen oo dhashay mataano

Bangladhesh: Haweenay leh labo ilmo galeen oo dhashay mataano

0

Himilo FM –Haweenay u dhalatay dalka Bangladhesh oo leh labo ilmo galeen ayaa dhashay mataano inka yar bil kaddib markay dhashay cunug sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaasi.

Arifa Sultana Iti oo 20 jir ah ayaa loola cararay isbitaalka Khulna Medical College kaddib markay dareentay culeysyo la xiriira dhalmo. Waxay kaddib dhashay cunug aan wakhtigiisa dhammeysan. Dhaqaatiirta ayaan ku baraarugin jiritaanka ilmo galeenka labaad.

Ms Arifa ayaa ku soo laabatay isbitaalka markii ay dareentay xannuun. Baaritaan loo adeegsaday Ultrasonic ayaa muujiyay in haweenayda leedahay labo ilmo galeen, waxayna dhashay mataano saacado gudahood.

Sheila Poddar oo ah dhaqtarka haweenka ayaa ku tilmaamay dhacdada “Mar la arag” isagoo xusay in aysan dareemin in haweenayda leedahay uurka mataano.

Cunugga hore ayaa ka dhashay ilmo galeenka koowaad halka mataanaha ka dhasheen midka kale. Caafimaadka hooyada iyo carruurta ayaa wanaagsan iyadoo laga saaray isbitaalka.

“ Carruuta iyo hooyada way caafimaad qabaan, waan faraxsanahay, ” ayuu yiri Dr. Poddar.

Dilip Roy oo ah khabiir caafimaad ayaa sheegay in uusan arkin xaalad nuucaasi ah muddo 30 sanno ah oo howlaha caafimaadka uu ka shaqeynayay.

Dhaqtar haween oo xaruntiisu tahay Singapoor ayaa xusay in lahaanshiyaha labo ilmo galeen aysan aheyn xaalad mar la arag ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version