Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Barcelona oo heshiis la gashay tababare cusub

Barcelona oo heshiis la gashay tababare cusub

0

Himilo – Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay inay xiddigeedii hore ee qadka dhexe uga ciyaari jiray Xavi u magacowday tababaraha cusub ee naadiga.

41 jirkan ayaa kooxda la galay heshiis gaaraya  ilaa 2024. Waxayna magacaabistiisu timid kadib markii tababarihii hore Ronaldo Koeman la eryay.

Xavi ayaa hadda ahaa tababaraha kooxda Al-Sadd oo ka dhisan waddanka Qatar. Wada-hadal laga galay ayey ku ogolaadeen in lagala soo wareego Xavi.

Laacibkii macallinka isku rogay ayaa iminka dib ugu laabtay kooxdii uu ka tirsanaa 1991-2015 oo uu kula guuleystay siddeed  koob La Liga ah iyo afar  kale oo Champions League ah.

Sergi Barjuan ayaa sii ahaan doona tababaraha ku meel gaarka ah ee kooxda leylin doona kulanka Celta Vigo, balse Xavi wuxuu hawshiisa tababarnimo ee Barcelona billaabi doona derbiga Espanyol fasaxa qaramada kadib.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version