Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Barcelona oo isha ku heysa Juventus xiddigeeda Matthijs de Ligt

Barcelona oo isha ku heysa Juventus xiddigeeda Matthijs de Ligt

0

Himilo – Sida ay ku warrameyso Tuttojuve, Barcelona ayaa isu diyaarineysa u dhaqaaqista daafaca kooxda  Juventus ee Matthijs de Ligt.

Naadiga reer Catalan ayaa indhaha ku heysay 21-jirkaan kaasi oo si aan caadi aheyn ugu ciyaaray Ajax fasalkii 2018-19, markaasi oo uu kooxdiisa ku hoggaamiyay gaaridda afar dhammaadka Champions League, balse Juventus ayaa ugu danbeyn ku guuleysatay tartanka loogu jirey saxiixiisa.

Barcelona waxa ay hadda ka cawaneysaa daafac xumo kaddib markii daafacooda Gerard Pique uu soo gaaray dhaawac uu garoomada kaga maqnaanayo muddo lix bilood ah, kooxda ayaana raadineysa beddel macquul ah oo joogto u ah naadiga.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version