Home Cayaaro Barcelona oo kula biirtay Man City iyo Bayern doonista Cancelo

Barcelona oo kula biirtay Man City iyo Bayern doonista Cancelo

0

Himilo –Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay tahay kooxdii ugu dambeysay ee ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa daafaca kooxda Juventus Joao Cancelo.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa la filayay inuu ku biiro Manchester City xagaagan, keliya Bayern Munich ayaa dooneysa inay kula loolamaan saxiixiisa .

Gazzetta dello Sport ayaa soo jeedinaya in Barcelona ay sidoo kale ku dhawdahay inay la soo wareegto Cancelo, kaasoo keliya ku biiray kooxda reer Talyaani isagoo ka yimid Valencia sannad ka hor laakiin uma muuqato inuu qeyb ka yahay qorshaha Maurizio Sarri.

Man City ayaa la sheegayaa inay wadahadalo la yeelatay madaxa kooxda Juve Fabio Paratici, laakiin lacagta la iskuma raacin , waxaana haatan la filayaa Bayern iyo Barca inay guda galaan.

Macallinkii hore ee Juve Massimiliano Allegri ayaa Cancelo ciyaarsiiyay  34 jeer tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore  .

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version