Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Barcelona oo xaqiijisay in afar ciyaaryahan ay heshiis kordhin sameynayaan

Barcelona oo xaqiijisay in afar ciyaaryahan ay heshiis kordhin sameynayaan

4

Himilo – Qaar kamid ah ciyaartoyda safka koowaad ee FC Barcelona ayaa sameynaya hehsiis kordhin ay la galayaan naadiga. Xiddigahan ayaa kala ah  Gerard Pique, Marc Ter Stegen, Clement Lenglet iyo Frenkie de Jong.

Heshiiskan waxa uu imaanayaa kaddib markii todobaadyadii tegay uu socday wada xaajood iyo in si ku meel gaar ah loo yareeyo mushaarka ay naadiga ka qaadanayaan sabab la xiriirta musiibada COVID-19.

Kooxda Barcelona ayaa xagaagan iibisay ciyaartoy badan halka qaarna ay amaah ku dirtay. Hoggaamiyaha Barcelona, Ronald Koeman ayaa naadiga ka diray ciyaartoyda Luis Suarez, Arturo Vidal, Nelson Semedo iyo Ivan Rakitic kuwaasi oo loo sheegay in aysan qeyb ka aheyn qorshahiisa kooxda.

4 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version