Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Barcelona oo xaqiijisay muddada uu dhaawaca kaga maqnaanayo Coutinho

Barcelona oo xaqiijisay muddada uu dhaawaca kaga maqnaanayo Coutinho

0

Himilo FM –Philippe Coutinho ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Barcelona guusha ka gaartay Getafe Axaddii, waxaana xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil uu qarka u saaran yahay inuu maqnaado muddo 10 maalmood ah.

Kooxda heysata horyaalka LaLiga ee Barcelona  oo isku diyaarinaysa  finalka Copa del Rey ayaa xaqiijisay in Philippe Coutinho uu maqnaan doono muddo 10 maalmood ah.

Coutinho, oo ku dhibtooday inuu saameyn ku yeesho  ciyaartii  Champions League ee Liverpool  ayaa si fantastik ah u soo bandhigay kubadiisa  kulankii Getafe Axaddii ka hor inta uusan dhaawac ku bixin  qeybtii labaad.

Barca ayaa haatan soo bandhigtay warar ku saabsan xiddiga reer Brazil, iyagoo ku xaqiijiyay  Twitter-ka “waxaa la filayaa inuu garoomada ka maqnaado muddo 10 maalmood ah kaddib dhaawac muruqa ah.”

Coutinho ayaa laga yaabaa inuu wajaho tartan la xiriira wakhtiga si uu taam ugu noqdo  finalka Copa del Rey, kubad sameeyihii hore ee Liverpool ayaa dib ugu soo laaban doona kulanka Valencia 25-ka May.

Si kastaba ha ahaatee, Barca ayaa wayn doonta Luis Suarez, kaasoo garoomada ka maqnaan doona muddo lix isbuuc ah ka dib markii qaliin looga sameeyay jilibka horraantii Isbuucan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version