Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Bayern Munich oo isha ku heysa xiddigo ku sugan United iyo...

Bayern Munich oo isha ku heysa xiddigo ku sugan United iyo Spurs

0

Himilo- Weeraryahanka Tottenham Hotspur Troy Parrott iyo goolhayaha Manchester United Dean Henderson ayaa lagu soo waramayaa inay kooxda Bayern Munich u tixgelinayso inay yihiin saxiixyo macquul ah.

Parrott ayaan wali ka ciyaarin kulankiisii ​​ugu horeeyey ee Premier League ee Spurs laakiin wuxuu wacdaro ka dhigay Republic of Ireland markii ugu horeysay oo uu kasoo muuqday ciyaartii ay kahor tageen New Zealand isbuucii hore.

17-sano jirkan ayaa sidoo kale  gooldhalinta ugu badan ka sameeyay kooxda heerka dhalinyarada  ee naadiga ka dhisan London, laakiin weeraryahanka ayaa arki doona qandaraaskiisa haatan ee London oo dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, da ‘yarka ayaa indhaha ku qabatay Bayern xilli kooxda horyaalka Jarmalka heysata ay isha ku heyso suuqa Ingriiska.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in Henderson tixgelin la siinayo, iyadoo ninka Ingriiska ah uu ku riyaaqay amaah uu ku joogo Sheffield United.

22 jirkan ayaan wali ciyaarin kooxdiisii ​​ugu horeysay ee United laakiin xiddig ayuu u ahaa Blades intii lagu jiray ololihii Championship ee 2018-19 wuxuuna sidoo kale soo saaray qaab ciyaareed indho qabad leh xilli ciyaareedkaan ugu sareysa.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version