Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Bayern Munich oo u dhaqaaqeysa saxiixa Mesut Ozil

Bayern Munich oo u dhaqaaqeysa saxiixa Mesut Ozil

0

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa u dhaqaaqeysa saxiixa wiilka dahabiga ah ee Arsenal Mesut Ozil.

Ozil qandaraaska uu kula joogo naadiga Gunners waxaa uga harsan laba sanadood iyadoo kooxda Fly Emirates ay indhaha ku heyso in wiilkan ay Epl kusii heyso waqti fog.

Kubbad sameeyaha reer Jarmal oo 27 sano jir ah ayaa khamiistii la xaqiijiyay inuusan qorsheyneyn fulinta codsi qandaraas kordhin ah oo ay usoo bandhigtay kooxdiisa Arsenal.

Ozil oo 2013 Arsenal kaga soo biiray Real Madrid ayaa xirfaddiisa kubadda cagta kasoo bilaabay horyaalka Bundesliga isagoo 2006 ku biiray kooxda Schalke 04 inta uusan labo sano la qaadan kooxda Werder Bremen.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version