Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Bayern Munich oo wali isha ku heysa Leroy Sane

Bayern Munich oo wali isha ku heysa Leroy Sane

0

Himilo – Madaxa fulinta Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa tilmaamay in kooxda reer Jarmal la xiriiri karto Manchester City sabab ku saabsan heshiiska Leroy Sane.

Inkasta oo uusan ka soo muuqan kulamo tan iyo bishii August sabab ku qotonta dhaawac culus haddana Sane ayaa soo jiidanaya kooxo badan iyada oo 18 billood ay ka harsan tahay qandaraaskiisa Man City.

Bayern ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay bartilmaameed ka dhigan karto cayaaryahanno kale sida Thomas Lemar balse Rummenigge ayaan meesha ka saarin rabitaanka kooxda ee Sane.

“Haddii aan wali xiiseynayno mabda’ oo aan meesha ka saareyn, waan la hadleynaa kooxda si aan u yeelano wadahadallo saaxiibtinimo leh,” ayuu yiri Rummenigge.

Sane ayaa la filayaa in uu ku soo laabto garoonada horraanta toddobaadyada bisha Febraayo kaddib markii uu ka soo muuqday tababar maalintii Talaadada ahayd.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version