Home Habka-Nolosha Benitez oo rajeynaya inuu guul kala soo laabto marka uu ku laabto...

Benitez oo rajeynaya inuu guul kala soo laabto marka uu ku laabto Anfield

0

Macallinkii hore ee Liverpool Rafael Benitez ayaa dib ugu laabanaya gegada Anfield oo kooxda Reds ay ka dhisan tahay, isagoo markan wata kooxda Newcastle United oo kulan Premier League ah halkaa ku soo dheeli doonta.

Newcastle United ayaa beegsaneysa inay xagaagan ka badbaado laabsho heerka labaad ah, waxay labo dhibcood u jirtaa booska badbaadada iyadoo labadii kulan oo u danbeysay ka heshay afar dhibcood.

Inkastoo Magpies ay siddeed jeer soo kufeen sanadkan markii ay dibadda garoonkooda ku soo dheeleen, macallin Benitez ayaase ku han weyn in dhibtaa ay ku soo gebagabeeyaan gegada Anfield.

Rafael Benitez ayaa lix sanadood soo hogaamiyay kooxda Liverpool, intii ka dhex laheyd 2004-2010, waxaana quluubta taageerayaasha Liverpool ka go’i doonin guushii uu macallinkan u horseeday 2005, markaasoo guul soo laabasho leh ay ka gaareen AC Milan kulankii ugu danbeeyay koobka kooxaha Yurub oo ka dhacay magaaladda Istanbul.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version