Himilo – Bisadda naadirka ah ee “Midas” ayaa noqotay mid caan ka ah baraha bulshada ee caasimadda dalka Turkiga ee Ankara, sabab la xiriirta afarta dhegood oo ay ku gaaroowday darteed.
Janis Doshamci oo u dhalatay dalka Turkiga ayaa sheegtay in iyada oo yar ay bisadda ka heshay goob lagu nasto.
Waxay intaa ku dartay – wareysi ay siisay wakaaladda Anadolu ee dalka Turkiga – in aragtideeda koowaad ay dareentay xamaasad, markii ay aragtay in bisaddu leedahay afar dhegood, balse dareenkeeda ayaa isla markiiba isu beddelay jacayl markii ay dhabta ku qabatay markii ugu horreysay.
Bisadda ay ku magacowday “Midas” iyada oo tixraacaysa boqorkii ilbaxnimadii hore ee Phrygia, Doshamji waxay tilmaamtay in bil kahor ay bilawday xannaanaynta bisadda 4-ta bilood jirta. Waxay xustay in dad badan oo xaafadda deggan ay bilaabeen inay si joogta ah u booqdaan si ay u arkaan Midas.
Waxay sheegtay in “Midas” ay u furtay Akoon baraha bulshada, ujeedaduna tahay in qof walba fursad loo siiyo in uu arko bisadeeda naadirka ah, waxa ayna tilmaantay in inta badan taageerayaasheeda ay ka yimaadeen meel ka baxsan dalka Turkiga.
Barta loo sameeyay bisaddan ayaa soo jiidatay dadyow fara badan tan iyo markii la aasaasay, tirada taageerayaasheeda ayaa gaaray todobaadkii u horeeyay 19,000 ruux, halka bil gudaheedna 75,000 qof ku xirmeen.
Dhankiisa, Rashad Nuri Arslan – dhaqtarka xoolaha ee Midas – ayaa sheegay inuu aad ula yaabay markii ugu horeysay ee uu arkay bisadda, ayna dhif iyo naadir tahay inuu la kulmo isbeddel hidde-side sidaan oo kale ah.
Dhakhtarka xoolaha ayaa sharraxay in heerka kobaca Midas uu yahay mid caadi ah, si lamid ah bisadaha kale, caafimaadkeeduna aad u wanaagsan yahay.
Genghis Doshamji oo ah Seyga Janis – ayaa sheegay in bisaddu ay ku raaxaysato saaxiibtinimo weyn oo ay la leedahay eyga reerka “Susie”.
