Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Madadaalo Bisad iyo qoyskii lahaa oo dib u midoobay saddex sanno kaddib!

Bisad iyo qoyskii lahaa oo dib u midoobay saddex sanno kaddib!

0

Himilo – Qisada kala geystay bisadda iyo reerkii lahaa waxay ahayd musiibo si kedis ah u dhacday saddex sanno ka hor. Waxaa la rumeysnaa inay makulaashan ku jirtay dadkii waagaa ku dhintay dhismo  dumay oo uu ku jiray mid ka mid ah xubnaha qoyska.

Dhacdadaas waxay dhacday 9kii Janaury sannadkii 2018. Taniyo xilligaas waxaa la la’aa bisadan  raq iyo ruux. Sidoo kale waxaa jira labo qof oo la waayay meydkooda. Mashaqadan waxay ka dhalatay dhul-go’ wayn oo sababay dhismashada 23 qof.

“Ma garan karno sida saxda ah ee  ay ku soo nooleyd saddexdii sanno ee tagtay balse waxaan u jeednaa farxadda ka abuurantay dib u midoobidan.” sidaas waxaa laga soo xigtay xafiiska caawinta xayawaanada ee magaalada Santa Barbara.

Bil ka hor ayaa la soo helay bisadda oo joogta meel aan ka fogayn gurigii qoyskeeda baarid lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday inay iyadii tahay. Hadda waxay dib ula midowday qoyskii lahaa oo ku nool gobolka California ee dalka mareykanka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version